Mareekanka oo liiska Argagixisada Caalamiga ah ku daray Saraakiil ka tirsan Al-shabab

0

New York (Duljoog)-Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha  Al-Shabab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaadadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka eee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.

Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya.

Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha  Al-Shabab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaadadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka eee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.

Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya.

Xigasho VOA Somalia