Matahay qof jecel inuu ooraahdiisa gaarsiiyo bulshada, hal abuur leh, matahay shaqsi maqaal qorista ku wanaagsan? Matahay qof diinta, dadka, iyo dalka jecel. Lawadaag bulshada wanaaga kugu jira oo kaliya.

0

(D. M. Network) – Akhristayaasha sharafta leh, bahda jecel saxaafada, iyo kuwa jecel in ay fikirkooda saliimka ah la wadaagaan bulshada soomaaliyeed, waxaan u sidnaa adeeg cusub oo aan wali lagu arag website-yada kale ee afka soomaliga wax ku qora, haddii ay jiraane sidaas uma badna.

Adeegyadaan ayaa ah in aad si toos ah ugu soo daabici kartid website ka Duljoog.com:

  • Fikirkaada Saliimka ah

  • Maqaalo aad diyaarisay

  • Salaamaha iyo Tahniyadaha

  • Wacyo galinta bulshada

DIR MAQAAL

La wadaag aqoontaada, wacyo gali bulshadaada, tus wanaaga, usoo bandhig waxyaabo kale oo anfac uleh dadkaada. Fikir aad isleedahay waxba magalo ayaa maqcquul ah in dadkale uu wax gal u yahay. Dhiiro gali bulshada si horumar, barwaaqo , caafimaad iyo niyad wanaagsan ugu noolaadaan.

Fadlan inta aadan wax qorin, isku day in aad maskaxdaada kasoo maaxiso wax dhaxal u ah jiilka maanta, kuwa barito, iyo kuwa kasii danbeeyaba. Waxaan hubaa qofkastoo Soomaali ah in uu haayo wax bulshada tayo u leh. Tijaabi maskaxdaada oo ku dhiiro gali wanaaga in ay usoo gudbiso, dadka  wali maskaxdooda ku danbeeso, qabiilka, iyo wax aanan naftooda aduun iyo tan aakhiro aanan waxba ku tareenin.

“WAXAAN HUBAA DHALINTA DALKEENA IN AY GO’AANSAN KARAAN MUSTAQBALKA DALKOODA, HADII AY QALBI FURNAAN IYO ALLE KACABSI ISKU DARAAN”

Ha is dhihin amaa fikirkaan qaldanyahay amaadan waxba qori karin, wax waliba waxa ay ku bilaamaan ayaa ah isku dayga koowaad. Qof ma jiro qofka le wax dheer is tusi in aad maanta wax kusoo kordhin kartid umadda soomaaliyeed.

Linkiga hoose adeegso si aad qoraalkaada usoo galisid Duljoog

DIR MAQAAL

Wixii su’aalo ah qeybta “Comments” noogu soo gudbi si lagaaga caawiyo

 

 

Mahadsanidiin.