Maxkamada sare ee S/land oo eedeemo rasmi ah dul dhigtay Abwaanad Naciimo Qorane

0

Somaliland  (D. M. Network ) – Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah abwaanad Naciima Qorane ku eedeeyey in ay faafineysay qoraalo ka dhan ah gooni isku taaga Somaliland.

Abwaanada ayaa si cad loogu eedeeyey in gabayo iyo qoraalo ay ku taageertay midnimada Soomaliya. Abwaanada ayaa la xiray 27 janaayo ee sanadkaan, markii ay dib ugu soo laabatay magaala madaxda maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa eedeentaan u cuskaneysa gabayadii iyo qoraaladii ay abwaanadu ku faafisay barteeda internet ee Facebook, iyo barnaamishyo gaar ah ay ugu qeyb gashay magaalada Muqdisho sida xafladii TEDx.

Haddii lagu helo ama ay xaqiiqowdo eedeeyntaan waxa ay abwaanada muteesan doontaa muddo 8 sano oo xabsi ah sida ay maxakada sare ee Somaliland sheegtay.

Guuleed Ahmed jaamac oo madax ka ah, xarunta madaxa banaan ee xuuqul aadanaha ee Hargeysa ayaa ayaa yiri ” waxaan aamin sanahay sababta dhabta ah ee abwaanada loo xiray in ay tahay, maadama ay cabirtay ra’yigeeda xorta ah, sidoo kale asagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku daray, waxaan sidoo kale aamin sanahay tani in ay san ku xirneyn sharciyada gudaha iyo kuwa caalamiga.

Sidoo kale waxaan aragnay eedeemaha looga soo horjeedo abwaanad Naciima iyadoo ah talaabo culus oo ka dhan ah xuquuqdeeda, si ay u muu jiso ra’yigeeda xorta ah.