MD Farmaajo Oo Kormeeray Xerooyin Ciidan Iyada Oo Aan Wadooyinka Loo Xirin

0

Muqdisho (Duljoog)- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Soomaaliya  ayaa Maanta booqday xerooyin ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada milateriga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisii ugu horeeyay Maanta ku tegay Xerada Bangala ee degmada Deeyniile,isaga oo Ciidamada halkaasi ku sugan u jeediyay khudbad dardaaran aheyd.

Madaxweynaha kormeerkiisa Maanta ayaanan wax saameyn ah ku yeelan Shacabka Muqdisho isla markaana aanan Wadooyinka loo xirin xili la ogaa in Wadooyinka loo xiri jiray madaxda markii ay kormeero sameynayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo Booqashadiisa ku guda jiro ayaa la filayaa inuu booqdo xerooyin kale oo ay ku xaraysanyihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

W/D: Abdirahim Dahir Malin