MD Gaas iyo Agaasime Koofi oo Ku kulmay Garowe

0

Garoowe (Duljoog)- Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland  ayaa Qada sharaf u sameeyay Agaaasimaha Guud HSJ Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi iyo wafddi uu Hoggaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Garowe.

Mas’uuliyiintani  ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka dariska gaar ahaan qeybta kaga beegan deegaanada Puntland.

Sidoo kale agaasimaha ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo fududeeyo shaqooyinka ay sarakiisha Hay’addu ka hayaan deegaanada Puntland oo la xariira arrimaha Socdaalka , Basaboorka iyo diiwaan galinta ajaanibta ku sugan Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyb madaxweynaha Puntland Mudane C/wali Gaas ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan Howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka heyso deegaanada Puntland, waxaana uu tilmaamay In Hay’addan ay ka mid tahay Hay’addaha afarta ah ee sida tooska ah u hoos taga Federaalka.