MD ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi oo Gaaray Guriceel

0

Guriceel ( Duljoog)- Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxmed Cabdi Xaashi (Carabeey) ,ayaa safar dhulka Ku gaaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,

Ujeedada socdaalka Madaxweyne ku xigeen Carabeey ayaa lagu macneeyay xoojinta dadaalo nabadeed oo uu Baryahaan ka dhex waday dad wada dago deeganada Galmudug Gaar ahaan, shaqaaqo dhowaan dhex martay dad ku Abtirsado Magaalooyinka Guriceel iyo Balanbale taas oo keentay Dhimasho iyo Dhaawac.

Maxamed Xaashi Cabdi ayaa kulamo la leh bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada guriceel Isagoo caawa dibanaayo Magaalada Guriceel.

Maalmihii la soo dhaafay ayuu Madaxweyne ku xigeen carabeey sidookale socdaalo heshiisiin dad reer miyi ah oo dagaalamay ka waday baadiyaha u dhexeeyo Cadaado iyo Bangeele oo uu geeyay ciidamo Nabad Sigidda Galmudug.

Madaxweyne ku xigeen Carabeey ayaa laga yabaa inuu usii gudbo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudg Axmed Geelle Ducaale Xaaf.

W/D: Abdirahim Dahir Malin