MD Xaaf: Ciidamada Galmudug Hanaga Difaacaan Cadawga Gudaha Iyo Kan Dibada

0

Dhuusamareeb (Duljoog)-  Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Sheegay in Ciidamada Galmudug Laga doonayo in ay gutaan waajibaadkii loo dhisay ee sugida Amniga deegaanada Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Galmudug oo mid ah ay guulo waaweyn ay soo hoyn doonaan,isla markaana Madaxda Galmudug ay garab taagnaan doonaan Ciidamada.

“Runtii waxaa filayaa in ay ciidamadeenu kas oo baxaan waajibkii loo igmaday,waxana laga doonayaa in ay naga difaacaan cadawga gudaha iyo kana dibada waana xaqiiq in iyaga oo mid ah ay amniga sugi doonaan madaxduna ay ku dadaali doonaan wax u qabashdooda ayuu yiri Madaxweyne Xaaf”

Sikastaba shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka mid aha kuwa Ahlusunna lagu daray Ciidamada Galmudug kadib Munaasabad lagu qabtay Magaalada dhuusamareeb oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda maamulka Galmuudg.

W/D: Abdirahim Dahir Malin