Militariga Dalka Maraykanka oo qirtay isticmaalka shabakada Google

0

(D. M. Network ) – Aalada Google waxa ay markii ugu horeysay qiratay in wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka in ay isticmaasho adeegyada Google, gaar ahaan aaladaha lagu aqoonsado sawirrada.

Bogga wararka ee Gizmodo ayaa dhawaan baahiyay in Pentagon uu si joogto ah u isticmaalo adeegyada Google, islamarkaasna shaqaalaha shirkadana ay mardhow uun ogaadeen xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Waxaa inta badan ay Pantegonka isticmaalaan sawirrada iyo muuqaalada ay soo qaadaan diyaaradaha duuliye la’aanta ah, kuwaas oo aaladana shabakada lagu sii akhriyo.

Diyaaradaha ayaa duqeymo ka geysta meelo adduunka ka mid ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kuwa kalena kormeer ayay sameeyaan, iyaga oo soo qaada sawirro kala duwan.

Agaasimihii hore ee Google Erick Schmidt ayaa xitaa la taliye ka noqday Aqalka Pantegon-ka.

Barnaamijka ay samaysay Google ayaa waxa uu suurtogalinayaa in diyaaradaha ay dusha sare ka gartaan waxa dhulka socda.

xuquuqda warka: Bbc