Mooshin laga keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay.

97 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku eedeeyeen in uu burburinaayo maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa qabtay Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.