Muraayadaha Madow Oo Laga Fiiqayo Gaadiidka Ay Wataan Wasiirada Puntland

0

Garoowe (Daljoog)-Taliska qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland  ayaa ka warbixiyey howlgalo lagu sugayay amniga Kaas oo mudo saacado ah qaatay laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal Gaashaanle Sare Nugaal Faarax Cabdiraxmaan (Galangooli)  oo la hadlay Warabahinada ka howlgalla deegaannada Puntland ayaa sheegay in ay dad u qab qabteyn falal amnidarro oo Maalmahaan ka dhacayay Magalada iyo in dad kale oo u dhalinyaro u badan ay ku raad joogaan.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale la qabtay nin Gacan ku dhiigle ah oo bilaawgii Todobaadkan Wiil dhalinyaro ah ku dilay Magaalada Garoowe,isla markaana Maxkamada ay horgeyn doonaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in howlgallada ay qeyb ka ahaayeen kuwo lagu fiiqayay dadka wada Gaadiidka Muraayadaha madow leh isla markaana qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland Gawaaridooda laga fiiqay Muraayadaha Madow.