ONLF IYO Dowlada Ethiopia oo wada hadal kaga Furmay dalka Eritrea.

0

Magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea ayaa waxaa ka furmay wada hadalo u dhaxeeya wakiilo ka socda dowladda Itoobiya iyo Hoggaanka Jabhadda ONLF, iyadoo wada hadaladan ay yihiin kuwo muhiim ah oo heshiisyo horudhac lagu gaaray.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Xiriirka dowladda Federaalka Itoobiya ahna Madaxa Xisbiga talada haya ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Axmed Shidde iyo Madaxweynaha Somali State Mustafa Cagjar ayaa ku sugan Asmara.
Illaa iyo hadda labada dhinac ayaa is faham ka gaaray qaabeynta wada hadalada, iyadoo Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in labada dhinacba ku heshiiyeen sidii loo ilaalin lahaa danaha dadka deegaanka Soomaaliya iyo in si nabad lagu wada shaqeeyo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wada hadalada ay sii socon doonaan, isla markaana laga soo saari doono heshiis kama dambeys ah.
Jabhadda ONLF ayaa bil ka hor ku dhawaaqay xabad joojin, kaddib dagaal hubeysan ay kula jireen dowladda Itoobiya.
Is bedelada ka dhacay gudaha Itoobiya ayaa sabab u noqday in jabhadihii ku kacsanaa dowladda Itoobiya in laga saaro liiska Argagixisada, isla markaana uu bilowday jawi wada hadal iyo isu soo dhowaansho oo meesha looga saaray khilaafkii soo jiitamayay.
Onlf ayaa muddo kutamaysay inay fursad uhelaan dowlada ehiopia inay kula hadlaan.