Ra’iisul wasaaraha kheyre oo dalka dib ugu soolaabtay.

0

(Duljoog) – Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in madaxda Imaaraadka Carabta ay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo in dib loo bilaabo dhoofinta xoolaha nool.

Dhinaca kale ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si kulul uga hadlay heshiis ay dhawaan wada gaareen shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, maamulka Soomaaliland iyo dowladda Itoobiya.

Waxaana uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan waxba ka ogeyn heshiiskaasi, islamarkaana uu yahay sharci darro.

Halkaan hoose codka ka dhageeso.