RW Xasan Cali Kheyre Oo Booqday Taalada Shuhadada Ciidamada Imaaraadka Carabta + SAWIRRO

0

 Dubia (Duljoog)- Xasan Cali Kheyre Raysul wasaaraha Dowlada Soomaaliya  oo booqasho ku jooga dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Al Nahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,wuxuuna Ra’iisul wasaaraha halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamado, kadibna waxa uu Ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taaladaasi uu R/wasaaraha Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada dalkaasi isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Mudane Kheyre intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta.

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn