Saddex haween oo qaxooti ah ayaa ku doodaya maxkamad in ay khatar ku jiraan haddii dib wadankooda loogu celiyo

0

Netherlands (D. M. Network ) – Sadax haween oo qaxooti ah oo kasoo kala jeeda dalalka Somalia iyo afganistan aya maxkamada saree ee dalka Netherlands la hor keeni doona malinta qamiista ah.

Sadexdaan dumarka ah  ayaa kudoodaya ineysan dib ugu noqon Karin dalal kooda maadaama dhaqanka kaliya ay heestaan ama qaateen uu yahay dhaqanka reer galbeedka, kaas oo dalalkooda looga soo horjeedo gabi ahaanba. Haddii loo celiyane ay dhib ukeeni karto nafsadooda.

Haweenkaas waxa kamid ah gabar udhalatay dalka afganistan oo jirta  21 sano ayaa sheegtay in eey kunooled Netherland mudo 7 sano ah sidoo kalana , waxa ay kudartay mar ay u warameyesay  saxaafada in ay nolosheeda ku dhistay dalka Netherlands  waxana hadaladeeda kamid ahaa “ Halkaan aan joogo hadda, waxaan doono aan xiran karaa, waxaan doono ayaan sameyn karaa, qofkaan rabo ayaan noqon karaa. Gabadhaan oo magaceeda layiraa Mohadese Moradi sidoo kale waxa ay raacisay in ay san waxaas oo dhan aysan dalkeeda ku sameyn Karin, xorne u aheenin.

Tani waa kiis muhiim ah, waxa yiri qaanuun yaqaan lagu magacaabo Professor Hemme Battjes, una sheegay warbaahiyaasha. Haddii aad dooneyso in laguu tixgeliyo xaalada qaxootinimo, waa in aad keentaa cadeymo kusaabsan khatar aad galeysaan haddii la idiin celiyo wadankiina, adinkoon dhaqankiina hadda waxba ka badalin.

Dooddani waxaa mararka qaarkood loo adeegsadaa in lagu siiyo aqoonsi qaxootinimo ragga iyaga isguursada kuwaas oo ku jiri doona khatar shakhsiyeed xoog leh hadii dib loogu celiyo dalalka eey kaso jeedan, sida maxkada ay sheegtay.

Wasaarada cadaalada ee Netherland ayaa sheegeysa in la reer galbeedoobo aysan wax sabab ah u noqon Karin in ay wadankooda qaxooti lagu soo noqdo. sido kale fursadaha shaqo iyo hormarkooda in eeysan kaafi Karin qaxooti kusoo qulqula dalkooda

Sida caadiga ah go’aanka maxkamada waxa ay qaadataa muddo lix isbuuc ah si ay go’aankeeda  usoo saarto. Sidoo kale maxakamaddu waxey kiisaska ugudin karaan maxkamadda cadaalada yurup oo loo yaqaan “Luxembourg”