Sheekh Shaakir : Baarlamaanka aan ku Biirinayno Galmudug waxaa mudnaan gooni ah yeelan doono dad gooniye (MUUQAAL)

0

Dhuusamareeb ( Duljoog)- Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Waraysi qaas ah siiyay Muuqbaahiyaha Universal, ayaa Mar wax laga waydiiyay habka ku biirista Baarlamaankooda ee Maamulka Galmudug, ayuu Mugdi Galshay Nidaamka Awood qeybsiga Beelaha  ee uu hada ku dhisanyahay Maamulka Galmudug.

Wadaadkii Hogaamin jiray Maamulkii la magac baxay Gobollada dhexe, ayaa sheegay in ay tixgalin gooniya yeelandoonaan dadkii usoo Halgamay Xoraynta deeganada Bartamaha Soomaaliya waa sida uu Hadalka u dhigaye.

Heshiis billo Kahor lagu kala saxiixday Magaalada Jabuuti ee wadanka Jabuuti, ayaa dhigaayay in la isku dhafo Labo Golle Baarlamaan, iyada oo la tixgalinaayo nidaamka awoog qeybsiga beelaha ee Maamulka  Galmudug uu  ku Dhisanyahay hayeehsee waxaa dad badan su,aal iska weydiinayaan, nuuca tixgalinta dadka goonida ah ay ku yeelanayaan Baarlamaankii Maamulkii Ahlusuna Waljameeca ee ku biiri doono Maamulka Galmudug.

Dad badan ayaa aaminsan in Baarlamaankii Hore ee Ahlusana Waljamaaca uusan ku Dhisneyn awood qeybsiga Beelaha ee Galmudug dadka dago wax ku qeybsadaan, iyadoo la rumaysanyahay in Ahlusuna Waljamaaca ay u badantahay Hal qabiil oo qura.

Lama ogo sida ay ugu qanci doonaan beellaha dago Galmudug hadii qabiil gooni ah uu u bato xubnaha Baarlamaanka Cusub ee ku biiridoono Baarlamaanka Galmudug, hayeshee dadka falanqeeyo siyaasada ayaa Aaminsan inay noqondoonto Caqabad iyo is-qabqabsi hor leh oo ka dhex curto Beelaha ku midoobay Maamulka Galmudug oo qaarkood dood ka keenay Jagada Sheekh Shaakir.

 

HALKAAN KA DAAWO SU,AASHA IYO JAWAABTA SHEEKH SHAAKIR

W/D: Abdirahim Dahir Malin