Sideed Sanno Kadib Alshabaab oo Magaalo Muhiim ah ay Gacantooda Gashay

0

 Balcad ( Duljoog)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ay Alshabaab manta ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in degmada ay ka weerareen dhowr jiho,taas oo ugu dambeyn ay la wareegeen,waxan jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaal ka dhacay degmdaas.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay qaarkood sheegayaan in weli Gudaha degmada qeybo ka mid ah gaar ahaan Aaga Warshada Dharka ee Somali Tax uu weli dagaal xoogan ka socdo.

Wararka kale ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen Gurigii uu horay u deganaa Gudoomiyihii hore ee degmada Balcad Ismaaciil Xaadoole oo hadda ay deganaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.

Weli lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu socdo,dadka ku nool Balcadna ay dareemayaan cabsi.

Wixii soo kordho Duljoog.com Kala soco Insha allah

WD. Abdirahim Dahir Malin