Siyaasiga Abdirahman Abdishakur ” Waxaan ka filaynaa in madaxweynaha uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan Dekedda Berbera”

0

(D. M. Network ) – Beri waxaa lagu wadaa in uu furmo kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaa taagan arrimo xasaasi ah. Dastuurka Soomaaliya wuu kala qeexayaa kaalinta Xukuumada iyo Madaxweynaha. Xilka Xukuumadu waa dejinta iyo fulinta arrimaha siyaasadda, amniga, maamulka iyo dhaqalaaha.

Qodobka 87aad ee Dastuurka wuxuu cadaynayaa xilka Madaxweynaha, wuxuuna tilmaamayaa in uu yahay Astaanta midnimada qaranka iyo Ilaaliyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.

Waxaan ka filaynaa in madaxweynaha uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan arrimaha xasaasiga ah ee taabanaya madaxbanaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliya. Waa in uu cadeeyaa waxa uu ka qabo

1- Heshiiska sedex gooseedka ah ee Dekedda Berbera

2- Waxa uu heshiiskaas kaga duwan yahay heshiiska DP world ee Dekada Boosaaso.

3- Muxuu kaga jawaabayaa tabaashada Somaliland iyo Shacabkeeda, maadaama sanadkii uu xilka hayey aysan suuragelin kulan labada dhinac ah oo tabashooyinka iyo khilaafka lagu xaliyo.

Hadii uu madaxweynuhu mar kale aamus ku dhuunto isaga ayaa qaaday masuuliyada wixii arrimahaas ka dhasha.

Xigasho: Barta Facebook-ga ee siyaasiga Abdirahman Abdishakur