Somalida Galbeed Yeeysan Ka Hordhicin Burburka Itobiya

0

Itobiya waxey ku dambeyneysaa burbur, waxaana duminaya shaqsiyaad kala qowmiyada oo iska soo horjeeda, kuwaas oo abuuraya xaalado gaabis geliya horumarka koboca dhaqaalaha, una horseeda dhaqaalaha mariinkii ay ku burburi lahayd. Dhacdooyinka ayaa noqonaya kuwa hogaamiya kacdoonada isbedelka siyaasadeed (Reforms being lead by events.)

Shaqsiyaadkaas ku kala duwan go’aanada siyaasadeed waxaa gadaal ka riixaya aragtiyada aqoonyahanka oo khilaafkooda ka dhex arkaya danahooda gaar ahaneed si ay qeyb uga noqdaan awood iyo hanti boob ay ku kasbadaan hiilo ay ku doorsadaan guulwadeyn. Aragtida labaad ee burburkeeda soo dedejineysaa waa jiritaanka caqabado soo jireena oo haysta dhismaha lagu curiyey Itoobiya oo si dulmiya lagu aasaasay, taas oo horseeday in qowmiyaadaha qaar loo diidey awooda siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale, kuwaas oo ay joogto u noqotay iney ku noolaadaan saboolnimo iyo sinaan la’aan dhinaca horumarka dhaqaalaha, taas oo dhalisay in qowmiyaadka qaar ay ku noolaadaan xaalad aadamigu ku noolaado mida ugu hooseysa.

Aragtida saddexaad oo Itoobiya aysan sina uga badbaadeyn burburka waa jiritaanka miinooyin lagu aasay dastuurka dalka oo hogaamiyeyaalka wakhtigaas ay u arkayeen mid ay xukunkooda ku fulsan karaan, laakin noqonaysa bom ku qarxaya kuwa ka dambeeya oo doonaya iney isbedel ku sameeyaan hanaankiisa siyaasadeed (Delay action Time-bomb). Qodobada qaraxa abuuraya oo lagu dhex talaalay dastuurka waxaa ka mida ogolaashaha lagu qoray dastuurka in hogaaminta la degaameeyo oo ay ismaamulaan qowmiyadaha kala duwan iyo qowmiyad kasta iney si rasmiya u adeegsato afkeeda, taas oo noqoneysa baraarujin iyo dareengelin kicineysa wadaniyada deegaanada.

Sidoo kale waxaa dastuurka la geliyey qodob ah ma’aweelo been abuura oo saldhig looga dhigay nidaamka federaalka Itobia, kaas oo ah in qowmiyad walba ay si xora oo ay iskeed raali uga tahay ay uga mid tahay hanaanka federaalka ay ku dhisan tahay dowladda Itobiya, qowmiyaddii doontana ay xaq u leedahay iney isaga baxdo ka sii mid noqoshada wadanka Itobiya, qodobadaas oo dhamaantood sahlaya goosashada iyo madaxbanaanida qowmiyadaha ka falaagoobaya xukunka dowladda Itobiya.
Isbedelka siyaasadeed wuxuu ku bilowdaa isbedel lagu sameeyo hawlwadeenada la soo shaqeeyey xuukuumadihii hore kuwaas oo iska caabin ku sameynaya isbedelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaalaha. Waxaa xiga in xayiraadaha laga qaado bulshooyinka dulman si ay u dareemaan neecow xoriyadeed iyo in xabsiyada laga siidaayo maxaabiistooda siyaasadeed. Dagaalka lagula jiro maskaxdii hore waxey horseedeysaa in dowladda la soo geliyo dhiig cusub iyo dhalinyaro firfircoon oo lagu soo xushay karti badnaan. Kuwa isbedelka diidan iyo qowmiyadaha taageersan waxey la kulmayaan cunoqabateyn iyo in loo adeegsado xoog. Kadib, waxaa imaaneysa in awooda xisbiga talada haya la bilaabo burburintiisa, lagana bilaabo in talada xukunka dowladda laga madaxbanaaneeyo xisbiga, taas oo sii go’doomineysa ilaalada mayalka adag ee maskaxda fikirkoodu duugowdey, xagjirna ku ah ku dhegenaanta mabda’ loogu midoobey xisbiga.

Isbedelada dhaqaale waxey dhalinayaan dagaalo sharciyadeed, kuwaas oo awooda dowladda dhexe sii tabar yareynaya. Waxaa lama huraan ah in la sameeyo isbedel ku yimaada dastuurka oo u ogolaanaya qowmiyadaha iney u madaxbanaan yihiin tilaabooyinka ay gudo iyo dibedba ku hormari karaan, taas oo dhalineysa khilaaf xoogan oo soo kala dhexgala sharciyada dowladda dhexe iyo ismaamulada madaxabanaan. Khilaafku wuxuu salka ku hayaa cida iska leh awooda lagu maamulayo dhaqaalaha, kheyraadka, iyo nolosha dadka ku nool ismaamuladda, waxeyna taas ka turjumeysaa rabitaanka ay ismaamuladu u qabaan iney degsadaan sharciyo ay ku xagsanayaan iney xaq u leeyihiin qaadashada canshuurta iyo iney suuqyadooda u leexsadaan wax soo saarkooda gudaha, labadaas oo waxyeelo xoogan u geysanaya dhaqaalaha u soo xarooda dowladda dhexe.

Sharciyadaas is khilaafsan wuxuu horseedayaa inuu yimaado afgembi dastuur ama gebi ahaan inuu awood beelo sareynta sharciyada dastuurka.
Isbedelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale marka ay sida la rabey u hirgeli waayaan waxaa bilaabanaya kacdoono ay horkacayaan siyaasiyiin, aqoonyahan, arday, iyo xoogsato ku niyadjabay jahwareerka ka dhashay isbedelka siyaasadeed, kuwaas oo ay hogaanka u hayaan ururo ku daaban dhaqdhaqaaqyo wadani, kuwo gooni-goosada ama u halgamaya xuquuqda rayidka, iyo afgembiyo lagu doonayo in lagu rogo madaxda xukunka haysa.

Kacdoonadaas waxey sababayaan iney kala shakiyaan madaxdii ku mideysnaa isbedelka, wuxuuna shakigoodu u xuubsiibanayaa dagaal siyaasadeed iyo in awooda la isku qabsado, kadibna biseylxumo siyaasadeed iyo masuuliyaddaro awgeed ay u kala jabaan laba garab oo mucaarad isku ah, taas oo door weyn ka qaadaneysa burburka dowladda dhexe, waxaana dagaalka siyaasadeed ku soo biiraya jiilkii gaboobey oo u buka dib u soo celinta dhaqanka xukuumadihii hore.

Soomaalida Galbeed waxaa la gudboon in isbedelkaas burburka ku dhamaanaya aysan u muuqan kuwo horboodaya ama ku noqda caqabada ugu horeeysa ee horjoogsata, waxaase la gudboon iney ka diyaar garoobaan oo ay talo mida ka qaataan sidii aayahooda ay uga tashan lahayeen, kuna hiigsan lahayeen mustaqbalka dhow gobonimadooda iyo madaxbanaanida dowladooda. Talooyinka ugu muhiimsan waa iney fahmaan dagaalka awoodeed oo ay isku hayaan Amxaaradda, Oromada, iyo Tigreyda ineysan dhextaal u noqon oo ay dhexdhexaad ka noqdaan si ay uga badbaadaan dharbaaxooyinka ay isla damacsan yihiin intii ay iyaga ku soo wada jeesan lahaayeen, hana la xasuusto qowmiyadahaas inuusan midna jaceyl gaara u qabin Soomaalida.

Taas waxey iftiimineysaa in Soomaalidu aysan dagaal la gelin Oromada oo caraatan u qabta dagaal ama aan loo adeegsan isbaheysi looga dan leeyahay in dagaal ay la gasho qowmiyadaha kale. Soomaalidu waa iney qiimeysaa isbedelka cusub ee ku soo kordha xaaladaha siyaasadeed iyo khatarta ay wataan, waana iney ka sii fekeraan xalka suurtogalka ah oo kuwaas bedelkeeda ay kaga badbaadi karaan masiibooyinka dhacaya.

Tilaabada kowaad waa in aqoonyahanku dhisaan urur badbaado oo ujeedadiisu tahay inuu xoojiyo madaxbanaanidooda iyo inuu u doodo difaaca xuquuqda dadka Soomaaliyeed. Ururkan waa mid isbedelka waxyeeladiisa ka badbaadinaya shacabka Soomaaliyeed inuu bartilmaameysi u noqdo xoogaga hartamaya oo isdiidan, kana ilaalinaya degaankooda qalalaase siyaasadeed oo la isugu adeegsado Soomaalida dhexdeeda. Waxaa taas xiga in la curiyo xisbi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Soomaalida, kaas oo ah mid siyaasadihiisu ku dhisan yihiin sidii dhulka Soomaalida Galbeed ay uga xoroobi lahayd dowladda Itobiya, xisbigaan siyaasadeed wuxuu garabsanayaa dhaqdhaqaaqyada gobonimo u dirirka ah iyo kuwa xaq iyo sinaan doonka ah. Xisbigaas siyaasadeed waxaa looga baahan yahay inuu xirrir dabacsan uu isbaheysi kula galo kuwa la midka ah oo ay leeyihiin qowmiyadaha kale (Loose association of commonwealth).

Ugu dambeyntii waa inuu xisbigu dhisaa baarlamaan ay xubnihiisu ka kooban yihiin dhamaan ururada iyo dhaqhdhaqaayada xoriyad doonka ah, kaas oo dooranaya madaxweyne ka madaxbanaan rabitaanka dowladda Itobiya iyo xukuumad. Waxaan shaki lahayn in la soo gaarayo wakhtigii qowmiyadaha qaar ka mida ay ku dhowaqaan madaxbanaanidooda ama isu taga dabacsan ee ka dhexeeya qowmiyadaha u halgamaya xoriyadooda oo go’aan mideysan ka soo saara in Itobiya ay burburtay.

Markaas ayey Soomaalida Galbeed ku dhawaaqayaan madaxbanaanidooda iyaga oo ay u dhisan tahay dowladooda oo ka badbaadineysa iney la burburaan Itobiya. Cidna kama sii mid noqon karto dowlad jiritaankeedi uu burburay, waxeyna taas qiil wanaagsan u tahay madaxbanaanida Soomaalida Galbeed.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com
Mogadishu Soomaaliya