Somaliland ” Hadalkii ka soo yeeray downlada soomaliya ee heshiiskii berber waa mid gaf iyo bareer ku ah jiritaanka Somaliland?

0

(DMN-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelin ee Somaliland Cabdiraxmaan oo kumagac dheer Guri-barwaaqo ayaa ka jawaabay hadaladii ka reysul wasaare kheyre ee dawladda Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee uu dhexeeyay Somaliland, shirkadda DP World iyo dawladda Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelin Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay ka madax-banaan tahay Somaliya.

Waxa uu sheegay war saxaafadeedkii downlada soomaliya soo saartay inuu yahay mid is burinaya  maadaama Soomaliya iyo somalialand ay yihiin laba downladood oo midoobay sanadii 1961 kalana baxay 1991.  taasne waxaa waaye gaf iyo bareer lagu la kacay jirtaanka Soomaliland.

Hoos kadaawo muuqaalka: