Soomaaliland oo Shaacisay Xiliga Rasmiga ah oo Uu Bilaabanaayo Mashruuca Dhisida Dakada Berbera

0

Hargaysa ( Duljoog)-  Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay shaaciyay xiliga rasmiga ah ee la bilaabayo dhismaha Dekada Magaalada Berbera.

Dhismaha Dekadaas ayaa mudo 5 Maalin ah ka hor ah la sxiixay si saamiga ka soo baxa ay u wada qeyb sadaan Maamulka Soomaaliland Dowladda Itoobiya iyo Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in bartamaha Sanadkaan la bilaabi doono dhismaha Dekada Magaalada Berbera kadib heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee todobaadkaan la gaaray.

Heshiiska dekada Berbera ayaa markii hore ahaa mid laba geesood ah balse waxaa waxaa 5 Maalin ka hor ku soo biiray dowladda Itoobiya,iyada oo Saacado kadib heshiiskaas ay sharcidarro ku tilmaamtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Sacad Cali shirre in Itoobiya Tahay Macaamilka Koowaad oo ay eeganayaan marka laga yimaado Shacabka Soomaaliland kuwaas oo wax ka dhoofsan doono ama kasoo dagsan doono islamarkaana Saamiga ay sidaas ku yeesheen.

Dhalinyarada Soomaaliland Dowlada Faderaalka iyo Guud ahaan soomalida ayaana ku tilmaamay Heshiiskaas mid Wax u dhimaayo Madaxbanaanida Gayiga soomaaliya.

W/D: Abdirahim Dahir  Malin