Soomaaliya iyo Baahida Siyaasad Dibadeed Fogaan-Arag ku Qotonta (Faallo Machadka Heritage)

0

Machakada Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Soomaaliya iyo baahida siyaasad dibadeed fogaan-arag ku qotonta.

Warbixintaan ayaa looga hadlay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay wadamada Caalamka, waxayna warbixinta muujisay walaac ku aadan inay Soomaaliya dib ugu soo laabatay jahwareer dhanka xiriirka Caalamiga ah oo muddo 40 sano ka hor ay la tacaaleysay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixintaas oo dhameystiran:

Kaddib tobannaan sano oo ay Soomaaliya ahayd dal adduunka ka haray kuna astaysan dagaalo sokeeye, macaluul, burcad-badeed, argagixiso, ayay beryahaan Soomaaliya is aragtay iyada oo dhextaagan wax lagu tilmaami karo mawjado iyo hardan siyaasadeed ugub ku ah gobalka Geeska Afrika. Dhaxtaal-nimada Soomaaliya ee loolanada iyo is-xulufeysiga Geeska Afrika, waxay noqdeen kuwo Soomaaliya aanay mahadin. Kala ir-dhowga boqortooyooyinka shidaalka ka hodmay ee Carbeed iyo is-afgaradka dalalkii kala gadoodsanaa ee gobolka Geeska Afrika, waxay u dhaweeyeen Soomaaliya oo awalba nugleyd, in ay ku dayaanto duufaanaha socda, dib-u-dhacna uu ku yimaado guulihii la gaaray tan iyo sanadkii 2000, kolkaas oo qorshayaashii nabaddaynta iyo qaran-dhiska la bilaabay.

Ilaa iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ bishi Febraayo ee sanadkii 2017-kii, labada gobol ee Soomaaliya ugu muhiimsan xagga xasilinta iyo ganacsiga – Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe – waxaa ka dhex socda is-badello ugub ah oo aan la odorosi karin meesha ay ku danbayn doonaan. Taariikh ahaan dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhisan waxay xoogga saari jirtey in ay waddamada Geeska ka kaalmaysato amniga iyo xasilinta halka ay saaxiibadeeda Bariga Dhexe ka dugsato soo kabashada dhaqaale.

Labadaas arrimoodba waxa ay u eg yihiin kuwa ka talin-tooda aanay gacanta dowladda ku jirin, maamulka Faramaajana waxa uu u eg yahay mid la daalaa-dhacaya, fahmidda, iskadaa, ka fal-celinta siyaasadahan caalamiga ah ee foolanaya. Arrimo ku bilowday wax u ekaa fahmo-darro ay keentay curdan-nimo siyaasadeed ee Xukuumadda Farmaajo ayaa u xuub-siibtay fashillo siyaasado arrimo dibadeed oo keeni kara amaba keenay in ay Soomaaliya ugu kacaan in ay bur-buraan xiriiradii ugu wanaagsanaa ee ay dalal saaxiib ah la lahayd. Gaar ahaan xilli adduunku u batay mid aan xasilnayn, halkaas oo hannaankii sharciga ku salaysnaa iyo in dowladuhu sharciga caalamiga ah ku wada shaqeeyaan aad mooddo in uu harqiyey is-bar-baryaac la isla og’ yahay. Si kastaba ha noqotee, in kasta oo xukuumadda Farmaajo talada gacanteeda ku jirta ay xaddidan tahay, haddana xukuumadda Farmaajo waxaa la gudboon in ay dhagax-dhigto, oo hirgeliso qorshe siyaasad arrimo-dibadeed cilmiyaysan, taas oo dhidibada u aasta danaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana xiriirradii jirey sii xoojisa.

Farsamo xumadii xiriirka caalamiga

Marar badan, Soomaaliya waxa ay eersanaysay, farsamo-xumadeeda xiriirka dowliga ama caalamiga ah.  Ilaa markii xorriyadda la qaatay sanadkii 1960-kii, dalka Soomaaliyeed waxa uu ku baraarugayey isaga oo ay is-xulufaysi caalami ah uu kala jiidanayo.

Dowladihii rayadka ahaa, waxay ku dadaaleen in ay si taxaddar leh ugu taag-taagsadaan xiriirada  dowliga ah oo danaysan. Sidaas oo ay tahay, waxaa jiray xaalado ay ku fashilmeen in ay xanaf-tiraan xiriirka ay la-lahaayeen dowladaha xoogga leh qaarkood, sida Ingiriiska oo ay xiriirka u jareen iyo iyaga oo faraqa ku xirtay Midowga Sofiyeeti oo ay ka quud-darraynayeen in uu ka caawiyo in Soomaalidu ay  Itoobiya cagta mariso.

Sidoo kale, saraakiishii awoodda dalka kula wareegay af-ganbiga mileteri waxay iyana ku dheceen dabinada siyaasadaha caalamiga ah ee isa-suran.

Todobaatameeyadii, xilligii uu cirka ku shareernaa Dagaalkii Qaboobaa, dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya, waxa ay si fiiro-dheeri la’aan ah marba gacan-saar ula yeelanaysey Midowga Sofiyeeti iyo NATO. Weliba xilligii ugu darnaa, markii dalka Soomaaliya isku diyaarinayey in uu dagaal uga xorreeyo dowladda Itoobiya dhulkii Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliyeed, looma arag, dal saaxiib la ah  Midowga Sofiyeeti iyo reer galbeedka midna. Xeel-dheerayaasha, ayaa u tiiriya fashilka Soomaaliya ka  raacay dagaalkaas iyo hungowgii lagala soo rogmadey, guul-darraysiga ay dowladda Soomaaliyeed ku guul-darraysatay in laba quwadood oo markaas adduunka ugu tun-buurnaa ay mid gaashaan-buursato.   Waayadaas, in waddan soo korayo uu qaado dagaal, iyada oo aan la dugsan mid ka mid ah dalalka xoogga leh, waxa ay ahayd fiiri-gaabni siyaasadeed oo fashil sababa. Dhab ahaantiina, dalka Soomaaliya aakhirkii waxa uu eeday in uu u dhaqaaqay in uu hirgeliyo siyaasad arrimo dibadeed oo aan jiho layaqaan u socon.

Haba noqoto ayaan darada Soomaaliya’e, Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykankuba, waxay labaduba u  ekaadeen kuwo dagaalkii 1977-dii ku midaysan taaageridda Itoobiya, in kasta oo go’aankooda iyo  sababaha ay u taageereenba ay kala duwanayd. Waxaa Soomaaliya intaas uga sii xanuun badnaa, in  waddamadii Carbeed ee taariikh ahaan Soomaaliya la jaalka ahaa sida Sacuudiga, Liibiya iyo Koofurta Yemen, ay dhammaantood sababo kala duwan Itoobiya u taageereen sida lagu qeexay xog ay siiddeysey Wikileaks. Dhanka kale, Itoobiya, waxay si xirfadaysan ugu guulaysatey inay ka faa’iideysato aragtigaabnida siyaasadeed ee Soomaalida, iyada oo markaas ku guulaysatey in ay Maraykan iyo Midowga Sofiyeeti u mideeyaan in Soomaaliya la maquuniyo.

Guul-darradaas ayaa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay hakadka galay xawaarihii Soomaaliya ku socotey ee ahaa in ay noqoto waddanka ugu awoodda badan Afrika. Taliskii miletariga ee Maxamed  Siyaad Barre, kama soo kaban jabkaas, kaas oo fududeeyey inay abuurmaan jabhado beeleedyo, badankooda ay Itoobiya xarun u ahayd.

Afartan sano kaddib, waxaad mooddaa in taariikhdu ay dib u qormayso, iyada oo saaran waddadii hore wel-welna wadata. Mar kale ayaa waddamo xoog leh u kala jiidanayaan Soomaaliya jihooyin is-weydaarsan. Sidoo kale, mar kale ayaa hannaanka ay dowladdu isugu dayday inay u furdaamiso xiriiradaas, waxay keeni karaan khatar lamid ah siriqdii horay loogu dhici jirey.

Nasiib wanaag, dalku maanta waxa uu leeyahay hay’ado qaran oo awooda in ay aragtiyo kala duwan miiska soo saaraan, kuna dhaqaaqaan habab wax toosin kara, haddii loo baahdo. In qaranka Soomaaliyeed doortay hannaan dimoqraadi ah ayaana soo dhaweyneysa in fikrado iyo aragti-wadaag la sameyn karo. Balse, in talaabo horay loo qaado waxay u baahan tahay in la helo dowlad xog-ogaal u ah khataraha ka dhalan kara aragti gaabnida siyaasadda dibadda ogna ahmiyaada ay leedahay siyaasad lagu dhan yahay, gaar ahaan dal sida Soomaaliya oo kale ah oo nidaam federaal ah doortay, dagaalana ka soo kabanaya.

Saamaayna khilaafka Khaliijka

Iyada oo ay jirtey khilaafka dabada dheeraaday ee waddamada Khaliijka iyo Iiraan (tiiyoo 2015-kii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Iiraan iyada oo la safanaysa Sacuudiga), ayaa haddana is-qoonsiga kharaaraadey ee Imaaradaha Khaliijku dhibaatooyin waaweyn u geystey Soomaaliya.

Foodda isku-diirka Qatar oo dhan ah iyo dhanka kale oo ay kala hardamayaan is-bahaysi Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ah. Khilaafkan waxa ay Soomaaliya ka qaadatay mowqif aaney cidna filayn. Soomaaliya waxay dhexda ugashay Sacuudiga oo u bartay in madaxda Soomaaliyeed iyaga oo aanba iska calalin in ay iska qaataan siyaasadooda arrimaha dibadda, iyo Qatar oo xarga-goosi ah sina ugu daabnayd dowladda Faramaajo.

Bilowgii isku-dhaca Qatar iyo xulafada kale Khaliijka bishii Juun 2017, is-bahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadku waxa ay cadaadis dul-dhigeen dhammaan waddamada Carabta iyo kuwa Afrikaanka si ay xiriirka ugu jaraan Qatar. In yar ayaa sidaas yeelay, laakiin badankooda dalalkaasi uma aysan bixin dalabkaas, si tartiib ah ayayna u wateen xiriirkooda kala dhaxeeyey Qatar.

Soomaaliya ayaase ka mid ahayd dhowr dal oo doorbiday in ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaataan. Sababtu siday doontaba ha ahaatee Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay dhex-dhexaad ka tahay is-qab-qabsiga waddamada Khaliijka, go’aankaas oo ahaa mid Soomaalida shacab badanna soo dhaweeyey, siyaasiyiin badanna ay dureen.

Is-bahaysiga Sacuudigana, dhex-dhexaadnimada Soomaaliya waxa uu u xaqiijiyey tuhun ay qabeen oo tilmaamayey in xukuumadda Farmaajo ay Qatar la xulafo tahay.

2017-kii xiriirkii is-bahaysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanayey. Kulamo dhowr ah oo ay caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ku tageen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Khayre ma noqon kuwa xiriirkii soo wanaajiyey. Dhanka kalana, xiriirka xukuumadda Farmaajo iyo Qatar-na si muuqda ayuu u sii karaar-qaatay, kaasoo gaaray in Madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku tagey Qatar, taas oo keentay in Qatar ay Soomaaliya ugu deeqdo boqolaal milyan oo doollar oo mashaariic iyo kaalmo ah.

Waxaa filan-waa ku noqday is-bahaysiga Sacuudiga, xiriir furashada dowladda Soomaaliyeed oo taariikh ahaan ku daab-naan jirtey Sacuudiga. Waxay u qaadan waayeen in dal sabool ah oo Khaliijka ugu tiirsan dhammaan ganacsigooda in ay qaadan karaan siyaasad arrimo dibadeed oo u muuqatey mid madax-bannaan. Oo waa iyada, Imaaraadku yihiin waddanka 1-aad ee Soomaaliya la ganacsato, Sacuudiguna waa kan dhoofsada dhammaan xoolaha Soomaaliya dhoofiso. Masar qudheedu muddo dheer ayay xarumaheeda ku tababareysey ciidamada Soomaaliya iyo ardayba. Dhanka kale ma jirin xiriir qoto-dheer iyo ganacsi baahsan oo ka dhaxeeyey Qatar iyo Soomaaliya. Sidaas darteed su’aasha ay is-weydiinayeen is-bahaysiga Sacuudiga iyo xeel-dheerayaasha daraaseeya xiriirka arrimaha dibadda waxay noqotay mid taagan: Xukuumaddu waxay ku andacootay in xiriirkeeda Qatar uu yahay arrin la xiriirta mabda’ ee aan dhuuni ku salaysnayn. Waa suurtagal, in dooddaas wax ka jiraan, aysanse ahayn sababta keli ah.

Sii xumaanshaha xiriirka is-bahaysiga Sacuudiga iyo Soomaaliya waxa uu gaarey meesha ugu sarraysey bishii April 2018 markii masuuliyiinta Soomaaliya ay qabteen lana wareegeen toban milyan oo doollar oo Imaaraadku ay diyaarad ku keeneen kana soo dajiyeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Imaaraadku waxay ku adkaysanayaan in lacagta loogu tala galay ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxay ay sheegtay in ay tuhuntey in lacagta loo isticmaalayey khilaaf baarlamaanka Soomaaliya ka dhextaagnaa xiligaas, kaas oo aakhiritaankii keenay in xilkii laga xayuubiyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka. Intaas kaddib, Imaaraadku waxay joojiyeen taageeradii dhaqaale ee ay ku bixin jireen ciidamada amniga ee Soomaaliya, isbitaalna waa ay xireen.

Inkasta oo xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu gaarey abid meeshii ugu hoosaysay, Sacuudigu isagu albaabada cilaaqaadka ma xirin. Cidse kama ay dahsoonayn in Sacuudigu uu caadi ka ahaanayo is-fahan waaga iyaga iyo dowladda Soomaalida. Waxaa la tuhunsanaa in markay doonto ha noqotee mar uun ay bannaanka imaan doonto fal-celinta Sacuudiga ee madax-taagga Soomaaliya.

Bishan aan ku jirno ee Agosto,boqortooyada Sacuudigu waxay soo celisay 27 kun neef arri ah oo Soomaaliya laga dhoofiyay, waxyar ka hor xilliga xajka, iyaga oo ku sababeeyey in ay xoolahaas qabaan cudurka Rift Valley ayna khatar ku yihiin caafimaadka dadka Sacuudiga, in kasta oo dhakhaatiir xoolaad oo madax bannaan ay markii ay dhoofayeen fayo-qab ku fasaxeen.

Ga’aankaas ayaa yimid laba berri kaddib markii Soomaaliya ay Sacuudiga ku taageertay, khilaaf kale oo kala dhexeeyey Canada; go’aankaas la kala safashada Sacuudiga iyo Canada ayaa si aad ah loogu tilmaamay mid muujinaya dhaqanka ka fiirsasho la’aanta iyo ku soo booddada ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda. Dooddii dowladda ee ahayd siyaasad dhex-dhexaadnimo arrimo dibadeed ayaan ku shaqaynaa, ayaa waxaa xigtay dhex-bood is-qab-qabsi dalal kale. Waxaa kale oo soo celinta xoolaha Soomaaliyeed ay muujineysaa sida xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya uu u yahay mid aan dheelli tirnayn, awooduna ay jirto dhanka Sacuudiga, Soomaaliduna ay isha-ka-dhawrayso waxa dhacaya.

Isbaddelka deg-degga ah ee Geeska Afrika

Dabaylaha siyaasadeed ee Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa dhex yaalla dowladaha Khaliijka, ayaa ku soo butaacay Geeska Afrika. Markii dhinacyo badan laga eegana waxaaba la oran karaa, gobalka Geesku waxa uu noqday goob ay ku fal-tamaan waddamada Gacanka Carbeed. Imaaraadka ayaadna mooddaa inay tahay midda ugu dhaq-dhaqaaqa badan, iyada oo ku guulaysatey in ay xarumo ciidammo ka samaysato Yemen, Eriteriya iyo Soomaaliya. Imaaraadku waxaa kale oo ay xiriir hoose la samaysteen Somaliland (gobal doonayay in uu Soomaaliya ka go’ ilaa sanadihii sagaashamaadkii) iyo inta badan maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Dhawaan, dowladda Imaaraadku waxa ay tilmaantay in ay dowladda Soomaaliya uga fadhido in ay raalli gelin ka bixiso tobanka malyan ee ay ka qabsatay iyo diblomaasiyiinta ay sheegtay in lagu xadgudbey. Dhanka kale, iyada oo ay weheliso Sacuudigu, Imaaraadku saamayn ayay ku lahayd xal-u-helidda khilaafkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Eriteriya. Hirgelinta taasina, waxay u eg tahay in is-bahaysiga Sacuudigu uu ballaaranayo, halka ay faquuqayaan dalalkii ku madax adkaaday ama ay ka aamin baxeen. Labada waddan oo ishu ku dhacaysana waa Jabuuti iyo Soomaaliya. Jabuuti isku dhac ayaaba uga horreeyey Imaaraadka oo waa iyagii isku seegay dekadda Dooraale. Sanadkii hore ayayna ahayd markii Jabuuti ay kala noqotay idankii DP World oo Dubia laga leeyahay u fasaxayey in ay maareeyaan dekaddaas Dooraale. DP World waxay kaloo heshiisyo la saxiixatay maamullada Soomaalida si ay u maareeyaan dekadaha Berbera iyo Boosaaso. Asbuucaan, Imaaraadku waxay shaaciyeen in ay dhisi doonaan dhuumo shidaalka qaada oo caasimadda Itoobiya ku xira dekedda weyn ee Casab ee dalka Ereteriya.

Inta badan is-bedelada xawliga ku socda ee Geeska Afrika waxaa hormuud ka ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bishii Juun safar afar saac qaatay ayuu ku tagey caasimadda Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya ay wax ka maal-gelin doonto isticmaalina doonto afar dakadood oo ay Soomaaliya leedahay.

In kasta oo faah-faahinta heshiiskaas aan la ogeyn, haddana baaqaas waxa uu welwel ka abuuray Soomaalida dhexdeeda, taas oo mar kale abuurtay su’aal ka taagan in dowladda Soomaaliya ay si farsamaysan u falkin karto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo danaha ganacsi ee dunida dalka kala dhexeeya. Su’aalaha badan ee la is weydiiyey waxaa ka mid ahaa: Dekaduhu ma Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berberaa? Itoobiya ma haysataa awoodda dhaqaale iyo aqooneed oo ay dekado ku maal-gashato ama ku maamusho, mise is-bahaysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga ayay wakiil u tahay?

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki waxaacaasimaddaImaaraadkabilladdaugusarraysa ee dalkaasi ku guddoonsiiyey Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Maxamed Bin Zayed, ‘geesinimadooda si loo dhammeeyo calaadda loona furo xilli cusub oo nabad iyo horumar’ u ah Geeska Afrika. Maalmo kaddib, madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki oo dawladdiisa ay Qaramada Midoobey u saartay cunaqabatayn in ay taageerto kooxaha xag-jira ee Soomaaliya iyo in ay Djibouti dhul ka haysato, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay Asmara.

Isaga oo aan Jabuuti – oo ah waddanka ay Soomaaliya isugu dhow yihiin Eriteriyana colaadi ka dhaxayso – latashiyo la samayn ayuu Madaxweyne Farmaajo u duulay caasimadda Eriteriya, booqashadii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu Asmara ku tago. Intii uu halkaas joogeyna waxa uu ku dhawaaqay in la qaado cunaqabataynta Qaramada Midoobey ee Eriteriya, taas oo si weyn uga carraysiisay Jabuuti, oo ku tilmaantay talaabada madaxweynaha mid yaab leh masuuliyaddarana ka muuqato, iyaga oo weliba abaal la’aan ku tilmaamay in Madaxda Soomaalidu afhayeen u noqdaan Eriteriya oo Jabuuti ugu duulay 2008 in ay Soomaali u qabatay shir nabad iyo dowlad dhisid ah. Qayla dhaanta Jabuuti iyo hadalkeeda caradu ka muuqatey waxa uu ahaa mid ka sii fur-caddaa, kana adkaa xitaa si ay u wada hadlaan saaxiibbo isku dhow.

Weliba waxaad mooddaa in Jabuuti ay dareentay in Madaxweyne Farmaajo ula-kac ama ogaal la’aan uu qayb ka yahay qorshayaal istaraatiiji ah oo dalal kale ku doonayaan in ay Jabuuti ku go’doomiyaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Ilaa hadda, dowladda Soomaaliyeed waa ay ka aamusan tahay fool-xumada dhacday

Hirgelinta siyaasad dibadeed fogaan-arag ku fadhida

Maaddaama ay tahay dal aad u nugul oo ka soo ka-banaya calaad sanooyin badan jirtey, Soomaaliya tabar uma hayso in ay ku socoto siyaasad salka ku haysa fudayd iyo kafiirsasho la’aan. Dalkanina uma baahna cadow, umana haboona in uu dhumiyo saaxiibbo dhow sida Jabuuti. Adduunkan ku shaqeeya nin wal-bow naftaa, in xiriirada caalamiga ah la isku miisaamo, danahaagana la ilaashado waa hawl u baahan xariif-nimo. Haddaba si taas loo gaaro, maamulka Madax-weyne Farmaajo waxaa u habboon in uu dhagax-dhigo siyaasad arrimo dibadeed fogaan-arag ku qotonta, ayna xayndaab u yihiin mabaa’diidan hoose:

1) Ha uga darin. Soomaaliya tabarteed ma laha ay cidna isku liqdaarto. Dalkanina waxa uu u baahan yahay in uu xiriirada uu leeyahay adkeeyo, kuwa kala-na kobciyo. Qaranka Soomaaliyeed si aad u weyn ayuu u nugul yahay, oo waa dal dagaalo ka soo kabanaya. Saaxiib cusub oo sida Eriteriya ah laguma badelan karo saaxiib hore oo sida Jabuuti ah.

2) Madax-bannaani. In la raaco siyaasad madax-bannaani ku salaysan dal sida Soomaaliya oo kale ah uma fududa. Si kastaba ha ahaatee, dalalka asalba, waa dantood yaqaan, ku fara adayga dantooda kana hormariya danta cid kasta oo kale. Diblomaasi-yaddu waa farsamada la isugu dheeli tirayo xiriirada kala duwan sida kuwa saaxiibada iyo kuwa cadowga, dhiiri-gelinta danaha, kana war-wareegidda colaadaha, taas oo ah mid aan sahlanayn una baahan xisaabtan taxadar wata oo ay hormuud ka yihiin hay’ado dow-ladeed aysanna la babanahayn siyaasiyiin buubaal ah iyo gacan-yarayaal bar-barad ah.

3) Diblomaasiyadda ganacsi:Maaddaama ay Soomaaliya tahay dal hadda sabool ah, balse hodon ku ah khayraadka dabiiciga ah, ku yaalla goob istraatiiji ah, shacabkeedu yahay dad dhiifoon, dhugna u leh ganacsiga, falsafadda iyo fiirada dowladda ee hageysa xiriirka caalamiga ah waa in ay hagtaa horumarinta ganacsiga Soomaalida. Dadka Soomaaliyeed waxaa u fudud in ay ganacsadaan, waxaana dalka ku hareeray-san boqolaal milyan oo dad ah oo dakhligoodu korayo oo ganacsi uu Soomaalida dhex mari karo. Waajib-ka dowladda Soomaaliya waa inay taas fududeyso. Taasaana keenaysa in isku-dhac dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga uu khasaare u yahay danta fog ee dadka Soomaaliyeed, xiriirkaasna waa in dib loo dhisaa iyada oo aanay khasab ahayn in xiriiro dalal kale la lumiyo.

4) Talo-wadaag: In kasta oo siyaasadda arrimaha dibaddu ay tahay mid hoos timaadda dowladda federaalka ah, haddana maamulka Farmaajo iyaga ayay dani ugu jirtaa in ay talada badiyaan, gaar ahaan go’aamada Qaranka oo dhan saamaynta ku leh. In talada lala wadaago inta mudan, waa hirgelin iyo ictiraaf fahamka guud ama nuxurka nidaamka federaaka, iyo la noolaanshaha xaqiiqada ah in xukuumadda Farmaajo aysanba Muqdisho wada xukumin iska daa, jamhuuriyadda inteeda kale’e, iyo in maamul goboleedyadu ay adduunka xiriir la leeyihiin ama raalli haka ahaato dowladda dhexe ama yaysan ka ahaane.

Si mabaaddii’da kore loo hirgeliyo, Xukuumadda Farmaajo, waxaa la gudboon, in ay is-badal ku samayso sida ay arrimaha qaar uga hawl-gasho, gaar ahaan kuwan hoose:

Hor iyo horraantii, Xukuumadda Farmaajo waxay u baahan tahay in ay dhinto xawaaraha ay go’aamada ku qaadato. Dowladuhu ma xamili karaan khatarta uga imaan karta inay gudcur ku gudaan, weliba waddooyinka xiriirada dowliga ah ay maraan oo ah kuwa aan lahayn shuruuc wax kala hagta. Duruufaha dalkaan haysta waxa ay Soomaaliya u ekaysiinayaan gaari aan muraayad haadyo dhinacyada iyo gadaale toona ku lahayn, taas oo keenaysa in la weheshado, xirfad dheeri ah iyo u-dhabba-gal.

Maaddaama uu yahay masuul loo doortay hoggaaminta dalka, Madaxweynaha waxaa saaran mas’uuliyad sharci iyo mid qofeed oo amraya in uu ilaaliyo masaalixda dalka oo badan, mar-marka qaarkoodna ay dhici karto in ay iska horyimaadaan. Taasina waxay u baahan tahay qiimayn xasil-naan salka ku haysa iyo taxliil qodan, laba arrimood oo aad mooddo in ay go’aan-qaadashada dowladdu si u baal-marsan tahay.

Laba, Dowladda Federaalka ah, in kasta oo aysan u suura-geli doonin in ay helaan siyaasad arrimo dibadeed oo is-qab-qabsi ka maran, haddana waa in aysan dalna isku dhiibin, waa in ay doontaa heshaana xurmadda dalalka kale ay u hayaan, waana in ay raadisaa danaha qaranka Soomaaliyeed.

Arrimahaasna waxaa lagu xaqiijin karaa oo kaliya, haddii dowladdu si cilmiyaysan isu garab dhigto go’aan kasta faa’iidada iyo khataraha uu leeyahay, ayna go’aanka ku qaadato danta dalka ee aysan eegin danta dowladda, iyo in ay go’aamadu noqdaan kuwo hay’ado gaaraan ee aan shakhsiyaad ku talo bixin, laguna saleeyo xayndaabyada iyo xudduudaha sharciga. Aragti noocaas ah iyo hawl-gal ku salaysan aragtidaas ayaa u sahli kara qaranka Soomaaliyeed, si kasta oo u luudayo, in uu u adkaysto, iskana caabiyo culaysyada bannaanka uga imaanaya iyo isku day kasta oo lagu doonayo in looga muraadsado.

Saddex, Madaxweyne Farmaajo waa in uu fahmo in dhammaan go’aamada masiiriga ah ee Qaranka ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwa loo dhan yahay, wada tashi ballaaranna la galiyey. Dastuurka dadkii qoray waxay ku naqshadeeyeen aragti muujinaysa talo-wadaag, taas oo daawo u ah kala ir-dhowga iyo kala shakiga bulshada Soomaaliyeed hayey.

Si dareenkaas dastuuriga ah ee isla tashiga iyo tala-wadaagga ah si cilmiyaysan oo caqliyaysan loogu hirgeliyo, Madaxweynuhu waa in uu talada badiyaa marka uu go’aano qaranka saamaynaya uu gaarayo. Xaaladda dagaal iyo dumis-kasoo-doogsiga ee dalka ayaa iyana khasbaysa in dowladdu ay raadiso aqbalka iyo taageerada maamul goboleedyada iyo talo-leyda kale ee Qaranka sida Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada.

La tashigoodu, waa run oo waa uu xoojinayaa hay’adahaas iyo masuuliyiintaas, laakiin sinaba Madaxweynaha uga wareejin mayo awoodihii dastuurku u oggolaa. Hal cilmi oo taariikhda laga kororsan karo waxa ay tahay, go’aamadii lagu tala baxaa, waxay la kulmaan hor-istaag, iyo fashilin. In awoodda xukuumaddan ay Xamar ku eg tahayna waa mid keenaysa in hanaanka wadar-ogol la iimaansado, markii go’aan qarameed la qaadanayo.