Taliyaha Asluubta Bashiir Goobe oo Booqday Xabsi ugu Weyn Dalka Qadar+ SAWIRRO

0

Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Booqday Xabsiga ugu weyn dalka Qadar oo ku yaal Magaaladda Doha, waxaana halkaasi ay kula kulmeyn Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Dalkaasi.

Taliyaha oo ay la socdeen Safiirka Soomaaliya ee Qadar, Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Aslubta iyo Sarakiil kale, ayaa mid mid u tagay qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe ee Doha, waxaana qeybihii uu tagay kamid ahaa, Waxbarashada, Farsamadda, Warshaddaha, Maktabadda iyo Qeybta Jimicsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Qadar S/guuto Maxamed Sacuud Naasir Al Otaibi, ayaa kawada hadlay dhismaha Xabsiyadda Soomaaliya, in Qibraddaha Shaqo la is dhaafsado, horumarinta isgaarsiinta Ciidanka iyo arrimo kale.

 

  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn

https://www.duljoog.com/wp-content/uploads/2018/03/
  • Facebook
  • Twitter
  • Google+
  • Gmail
  • LinkedIn