Wafdi ka socda dowladda Qadar oo soo gaaray Muqdisho

0

Wafdi ka socda dowladda Qadar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah dowladda Soomaaliya.

Markii ay soo gaareen Muqdisho ayaa loo galbiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wafdiggaan ayaa ka socda Wasaaradda Difaaca dalka Qadar, waxaana ay kulamo kula duwan la leeyihiin Wasiirka Difaacda Soomaaliya Xasan Cali Amar dambe.

Waxaa Wafdiga ka mid ah Saraakiil ciidan iyo Agaasime qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Qadar iyo Taliska xoogga dalkaasi.

Wixii kusoo kordha kala soco Duljoog.com