Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax xalay si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir , kaasoo ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meelo u dhow Isgoyska Howlwadaag.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu soo rakibay gaari gacan , waxaana uu ka dhacay kasoo horjeedka Shirkadda Amal ee Bakaaraha.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi, laakiin qaar ka mid ah dadkii meesha tagay ayaa sheegay in burbur uu gaaray dhismayeyaal halkaasi ku yaalla.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa oo xalay ku dhawaad 10:00 Habeenimo halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Howlwadaag ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana ay sheegeen in  ay waddaan baaritaano kala duwan.