Wararkii ugu danbeeyey dagaal xoogan oo caawa ka dhacay Magaalada Jowhar

0

Jowhar (D. M. Network) – Isku dhac dagaal oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DFS kaas oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa caawa waxa uu ka dhacay degmada Jowhar, ee xarunta KMG maamulka Hirshabelle.

Wararka Duljoog ka heleeso ilo wareedyo ka agdhawaa halka dagaalka uu ka dhacay ayaa, ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay kala shakiyeen ciidamo kawada tirsan milatariga dowlada Soomaaliya, iyo kuwa Mareekanka ay sootabo bareen ee looyaqaano “Bancraft”

Daqiiqadaha dagaalka socday, ayaa xoogiisa uu ka dhacay xaafada Xaansoley ee kutaala duleedka Jowhar. Dagaalka ayaa bilaabmay markii ciidamada uu Mareekanka sootaba baray ay rasaas huwiyeen ciidamada milateriga ah oo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay dagaalka, ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaalkia guud ee degmada Jowhar.

Saraakiisha maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo kan degmada ee magaalada Jowhar ayaa soo kala dhexgalay labada ciidan waxaana ay hadda wadaan dadaalo lagu qaboojinaayo xaalada dagaalka uu caawa sababay.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka digay dhawaan sii socoshada isku dhaca ciidamada kawada tirsan dowlada Soomaaliya oo waayihii udanbeeyey isku dhacooda uu soo kordhayey, isagoo sidoo kale taliyaasha ugu baaqay inay arintaasi kahor tagaan