Wax ka baro: 12 Oktoobar Maalinta Calanka Somalia

0

Xidigta cadi cashar iigu filan.

Xidigtan midabka cadi waxa ay leedahay macna weyn, wliba qiima badan ayey ku fadhisaa, waxa ayna bixineysaa tilmaamo xeel dheera kasta uu fahmi karo, laakin ka dahsoon nacas iyo wax ma garad.

Xidigtani waxa ay tusaale u tahay dad dhintay kuwa nool iyo kuwa hada ka dib imaan doono waxa ay tustaa kuna hagtaa dow qura.

Xidigtani waa tan aniga i bartay in wadankeyga loo kala qeybiyay 5 qeybood, waa tan i bartay in cadaw aan leyahay, waana tan i tustay xaqiiqda dhabta ah iyo qofka aan ahay anigu, waxa ay sidoo kale i bartay kan wax i taraya iyo kan i boobayaba, sidoo kale waxa ay si cad iigu sheegtay in aan ahay awood laga cabsado hadii ay midowdo.

Xidigtan duruusta aan ka qaatay waxa kamid ah halka ay ku egtahay Xuduudeydu iyo baaxada dhulkeyga iyo tirade dadkeyga soomaliyeed, waana astaanta kaliya ee Dunida inteeda kale la iiga heyb sooco, waana tan kaliya ee la igu garan karo in aan Soomali ahay.

Xidigta shanta gees lehi, waa tilmaamaha xorriyadda shan-gobol oo asal ahaan jinsiga Soomaali ka wada ah, xidigtani waa tan aan ka qaatay casharka ah in Djabuuti ay tahay dhulkeygi hooyo dadka ku noolna ay yihiin walaalaheygi Soomaliyeed balse Gumeysigii Faransiiku xerada nagu kala ooday, waxaa kale oo ay ii sheegtay xidigtani in qeyb ka mid ah Dulkeygi Soomaaliyed lagu qasbay inay ku biirto Ethiopia, iyo Kenya.

Xidigtan cad, eegma kasta oo aan dhankeeda jaleeco waxa ay igu dhiiri galisaa in aan sadaxda garab ee ka maqan u doon, labada haa joogtana aan isku ilaalsho wada jirkooda, dhaawacooda aan dhayo, waxa ay i fartaa in wada jirka aan kaga awood badanahay kala maqnaanta, waxa ay ku celcelisaa mar walba in aan indhaheena kor u qaadno oo anan isku muuqan dhexdeeda.

Xidigtan waxa ay ogtahay in diig farabadan loo huray, saasta ay tahay wali waa qabyo oo wax badan ayaa ka dhiman, rajadeeduna waa in ay 5tii geeys oo wada jira heyheshaa, ana waxaan u sheegay in aan xidago kale iyo calala kale oo rinjigo kala duwan lagu xardhan marna aan ku doorsan doonin, anigoo u abaal naqayana waxa aan xasuusiyay erayo kamid ah maanso uu u tairyay mid ka mid ah halyadeeda afmaalka ah:-

Xidig yahay caddi
Waad na ciidamisee
Carrada keligaa
Adaa u curad ee
Cadceedda sideeda
Caan noqo tee
Sidii culaygii
Ciiddaad marisee
Alloow ha ku celin
Alloow ha ku celin.

Xidigta intaas oo qiimaha nooga fadhiso tukale maahe waa mid ku daabacan calankeena buluuga ah waana mida na tireysa aniga oo dhan, balse ayaan daro maanta waxa ay tabeysaa oo ka lumay Hasheedi caana badneyd oo ay dbarkeda maali jirtay ee Maandeeq.

W/Q Bashir Ahmed Suley