Weerar ka dhan ah Dowlada Soomaaliya oo Baraha Bulshada ay Ka bilowday Imaraadka Carabta

0

Dubia (Duljoog)- Maamulka Abuu Dubia ayaa Wado Dacaayado kadhan ah Dowlada Soomaaliya, todobaad kadib Markii ay Xukuumada Somalia ka hortimid Heshiiska Barbara ee Maamulka Somaliland Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa waxaa soo baxay Shabakado abaabulan oo baraha bulshada ka bilaabay Dagaal afka ah oo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Talaabadaas ayaana umuuqaneysaa mid banaanka soo dhigtay danaha qarsoonaa ee Dowlada Imaaaraadka ka laheed Somalia,iyo Saameynta falcelintii Dowlada Somalia ay ku keentay Danahaasi Imaaraadka uu lahaa.

Qubarada taxliiliya Arimaha Siyaasada dibada ayaana ka digay halka uu ku wajahan yahay Xiriirka labada dal.

Xiriirka sii xumaanaya ee Isbaheysiga taabacsan Imaaradka iyo Masar ayaana laga cabsi qabaa in uu keeno Go,aan cusub oo dowlada Somalia ka qaadato Xiisada Khaliijka oo ay Somalia lasafato Dowlada Qadar maadaama cilaaqaad Wanaagsan uu ka dhexeeyo Turkiga iyo Qadar.

Weerarka dhanka afka ah oo Imaaraadka soo abaabuleyn ayaan ka bilaawday Bogga Twitterka oo koox qormo loo Soo dhiibay ayaa Barahooda ku daabacay,kuwaa oo ka careysan Go’aankii Xukuumada ee Dekada Barbara.