XFS oo soo dhaweeysay go’aankii jaamacada carabta ee ku aadanaa dekedda Berbera

0

Muqdisho ( D. M. Network ) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay jaamacadda carabta oo ku aadanaa heshiiskii ay dekedda Berbera oo ay wada galeen DP world, Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in go’aanka Jaamacadda Carabta ay gaartay uu yahay mid muhiim ah, isaga oo ku baaqab in la dhowro midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya

Waxaana uu intasi ku daray in aysan dowladda Soomaaliya u dul qaadan doonin in lagu soo xad gudbo Badeeda iyo Dhulkeeda intaba.

Hoos ka dhegyso codka warka: