Xildhibaanada DFS ayaa wada mooshin ka dhan ah heshiiskii dekedda Berbera.

0

Muqdisho ( D. M. Network) – Warka ka soo baxaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaaliya ayaa sheegay in xildhibaano kamida golaha shacabka Somaaliya ay wadaan qoreshe la doonayo in mooshin lagaga keeno heshiiskii Maalgashi ee dekeda Magaalada Berbera, kaasi oo ay kala sexeedeen Somaaliland, Itoobiya iyo Shirkada Caalamiga ah ee Dp World.

Xukuumada Somaaliya ayaa ka soo horjeedsatay heshiiskaasi 3 geesoodka , waxanay ku tilmaanatay in uu sharciga baalmarsanyahay, oo aanu waafaqsanayn dastuurka u yaala Jamuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale Somaaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani ayaa Xukuumada fadaraalka ah ee Somaaliya uga jawaabay arrintaasi iyaga oo sheegay inaanay waxba ka khusayn arrintaasi Maalgashiga dekeda magaalada Berbera.

Ugu danbeen xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay wadaan Mooshin ka dhan ah hashiiska Dekada Magaalada Berbara, kaasi oo laga fariisan doono Marka ay golaha shacabku ay ka soo Noqodaan fasaxa ay ku jiraan.