XIRIIRKA KA DHEXEEYA SHIRKADAHA MAALGASHIGA & FARAGELINTA SHISHEEYE EE DALALKA SOO KORAYA.

0

Hadal haynta ugu badan beryahaan geyiga Somaaliyeed ayaa aheed muranka Shirkada Dekedaha Dubai DP World iyo Dawladaha DJibouti, Somaliya, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland. Murunkaas oo sababay in uu mugdi galo xiriirka dawladaha Emaraat iyo Geeska Afrika.

Waxaan xasuusanaa Qarnigii 19 aad markii gumeystihii reer galbeedku qorsheystay gumeysiga Qaaradaha Afrika iyo India ayey soo hor mariyeen shirkado Ganacsi oo Ciidamada ka hor ku soo gala heshiisyo Maalgashi iyo Horomarineed una gogol-xaara soo gelitaanka ciidamada gumeysiga sida; Shirkadii lagu magacaabi jiray British East India Company, kuwii Talyaaniga ee heshiiska la galay Odayaasha dhaqanka, Ciidamadii Masar ee Ingiriisku usoo diray Zaylac iyo Berbera ka hor intii uusan soo gelin Calankiisana ka taagan.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay maxaa soo cusbooneysiiyey murunkaan Dubai Port? Iyada oo la ogyahay: in murunka Djibouti iyo Dubai Port uu jiray soona bilawday 2013, markii dawladda DJibouti go’aansatay in Shirkadaan aysan waxba u qabaneyn ayna bilawday heshiisyo ay la gasho shirkado Chine ah oo u dhisa Dekedo kale iyo Tareeno isku xira DJibouti iyo Ethiopia.

Waxaan xasuustaa aniga oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayey R/wasaare Saacid 2013, ayaan ka qeybgalnay dhagaxdhigii Dekedaha Damerjoog iyo laba kale oo sanadkii hore la furay, xilligaas waa jiray murunka Dubai Port iyo dawladda DJibouti, Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa nagu yiri “Ma rabaan in aan gaarno horumar dhanka Badda ah, annaguna waxaan u jihaysanahay dhanka Badda”.

Arinta Dekedaha Berbera iyo Bosaaso iyo Saldhiga Ciidan ee Berbera waxaa la saxiixay sanad ka hor xilligii M. Xasan, RW Cumar iyo M. Siilaanyo! Maxaa xilligaan soo kiciyey? Maxaa dawladda DJibouti u ereday shaqaalihii u joogay Dubai Port Dekeda Dooraale? Maxaa heshiiskii Berbera dib loogu saxiixay maanta? Maxaa dawladda federaalka loo maldahay?

Su’aalahaas ayaa is weydiin mudan?
Jawaabtuna waxey yeelan kartaa laba dhinac oo kala ah:

A. Muranka Siyaasadeed iyo Xulafada cusub ee Gobalka soona shaac baxay kadib khilaafkii Khaliijka sida; xulafada Turkey, Qatar, Sudan, Ethiopia iyo DJibouti. Dhinaca kale xulafada; Emaraat, Sacuudi, Masar iyo Eritrea. Murankaas oo salka ku haya biya xireenka Ethiopia ee webiga Niilka iyo Saldhiga Ciidan ee Emaraat iyo Masar ay ka fureen Eritrea.

B. Arimaha gudaha waxaa ka mid ah:
1. Emaraat oo dareentay in DJibouti ka maarmi karto kadib markii ay heshiisyo la gashay Chine iyo Turkey.

2. Ethiopia oo dareentay in Emaraat u xaglinayso cadawgeeda Masar iyo Eritrea, gacana siinayso. Ethiopia oo maalgashigii ugu badnaa ka heshay Turkey iyo Emaraat oo rabta in ay gunna ka siiyo Dekedaha Somaliya.

3. Xukuumadda Kulmiye ee Somaliland oo saxiixii hore ee Feberuar 2017 ka baqday in ay shaaciso Share ka 19% ee Ethiopia iyada oo xilligaas ku jirtay doorasho kana baqday shacabka Somaliland lkn hadda ku dhiiratay markii la doortay ka dib.

4. Dawlada Emaraat oo dareynsan in aysan sharci aheyn heshiisyada ay la gashay maamul-gobaleedyada una hawlgasha mar kasta in ay ka ansixiso dawladda federaalka, cadaadisna ku saarta.

5. Dawlada Emaraat oo hab-dhankeedu uu u muuqdo in ay ka quustay in ay wax ka saxiixato M. Farmaajo iyo RW Khayre, kuna tala gashay in ay kaararka Siyaada iyo taageerada bulshada ka gubto.

6. Dadka Somaaliyeed oo maanta soo jeeda dhib kasta oo haystana aan aqbali karin in loo gashado mar kale shaati maalgashi ama gargaar sidii loogu gashaday aabayaashood iyo Siyaasiyiin been u sheegta oo iibsata dhaxalkooda, hadana ay ku doortaan, kana qariya wixii ay saxiixeen iyo cida ay wax siiyeen.

Hadaba heshiisyada taabanaya Masiirka iyo Mustaqbalka jiilka danbe sida: Dekedaha, Badda, Hawada, Xuduudaha dhulka, Khayraadka Dhulka iyo Badda, Saldhigyada Ciidan iwm, kuma filna War-saxaafadeed ay soo saartay Xukuumadda fedaraalka iyo hadalka R/wasaaraha ee waxey u baahantahay Sharciyo, Qaraaro iyo Go’aanno adag oo ay soo saaraan Golayaasha Federaalka ee Wasiirada iyo Barlamaanka, Ashtako iyo Sharcina lala tiigsado Dawladaha ku xad-gudbaya iyo Madaxda ku takri-faleysa dhaxalka sooyaalka!!.

W/Q Mohamed Gacal