XUKUUMADDA WAXAAN KA DOONEYNAA INEY GANACSATADA NAGA QABATO…?.

0

Mudisho (Duljoog)- Maalmahaan waxaa socdey khilaaf u dhexeeya Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Xukuumadda dhexe gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la isku heyaa amar ay soo rogtey Wasaaradda Maaliyadda oo Ganacsatada Gobolka Banaadir ku amartay iney dekedda gudaheeda ku bixiyaan Canshuurta iibka oo ah 5% taasoo aan weligeed Soomaaliya laga qaadin.

Lacagta iibka ee ay Wasaaraddu dooneyso iney si hormaris ah ku qaado haddii Ganacsatada Gobolka Banaadir ogolaadaan waxa uu xanuunkeedu ku dhaceyaa dadweynaha, marka su’aashu waxay tahay Xukuumdda Soomaaliya iyo Ganacsaada Gobolka Banaadir yaa shacabka u wanaagsan?.

Dadka qaarkood oo intooda badani ka yimid debedda oo ay wehliyaan shaqaalaha dowladdu waxay rumeysan yihiin iney Ganacsatada Gobolka Banaadir qaldan yihiin maadaama aaney u hogaansamin Awaamiirka Xukuumadda oo ay wakiil ka tahay Wasaaradda Maaliyadda.

Qaar kale oo ka mid ah shacabka oo isugu jira kuwo ka yimid debedda iyo kuwa gudaha jooga ayaa qaba in haddii ay Wasaaradda Maaliyadda canshuurta iibka qaadeyso ay ku qaado booska ku habboon oo ah goobaha ganacsiga oo ay khalad tahay in ay ku qaado gudaha dekedda amaba ay hormaris ku qaado.

Qaar kale oo ka mid ah shacbaka oo ay dan yartu hogaamineyso waxay rumeysan yihiin iney gebi ahaanba khalad ku tahay Wasaaradda Maaliyadda iney xiligaan qaado canshuurta iibka waxayna ku doodayaan:-
1- Iney wasaaraddu marka hore sharaxdo oo ay shacabka ka qanciso waxa ay ku qabatay canshuuraha caadiga ah oo ay hadda iyo horeba u qaaday, sababtoo ah waxaan ognahay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qaado canshuur hadey ahaan laheyd dhoofis iyo soo dejin, taas bedelkeedana aaney jirin mashaariic horumarineed oo la taaban karo oo gobolkan ka socota.
2- Iney xukuumaddu sharaxaad dheeri ah ka bixiso sababta canshuurtaan dheeradka ah loogu soo regey Ganacsatada Gobolka Banaadir oo kaliya, maadaama la ogyahay iney dalka ka shaqeeyaan dekedo kale oo hoos yimaada Xukuumadda Soomaaliya.
3- Waxaa intaas dheer oo aan la aqbali Karin sida lagu doodayo in Xukuumaddda Soomaaliya ay Ganacsatada meel kala soo jeesato iyadoo liddi lagu wada yahay shacabka dulman ee dhibaateysan, sababtoo ah canshuurka iibku mar walba waxay ku dhaceysaa shacabka, taas bedelkeeda waxay dad badani ku doodayaan in canshuurta iibka la saaro gancsatada haddii aanba la dhaafeyn.

Tusaale. Koobka shaaha Hoteeladda waaweyn waxaa la iibiyaa ugu yaraan hal doolar, waa qiime aad u sareeya, iyadoo sidaasi jirto ayey Wasaaraddu tiri 5 centi ha naloogu daro, waxaa Xukuumadda oo ay wakiil ka tahay Wasaaradda Maaliyadda laga rabey in ninkii koob shaah ah gadaya hal doolar iyo ka badan laga qaado ama la saaro qaado 10 centi oo Kelyentiga la nabad geliyo.

Dadka sidaas ku doodaya waxaa ka hor imanaya doodda Qurbajoog badan oo canshuurta iibka looga qaado wadamada ay ka yimaadeen iyo tageerayashooda jidbeysan, laakiin waxa aaney ogeyn in aanu jirin dal maanta Soomaaliya la barbar dhigi karo, maadaama aaney jirin Shaqo iyo Amaan la isku haleyn karo. Si kastaba Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda waxaan ka dooneynaa iney Ganacsatada naga qabato laakiin kama dooneyno mana ka fileyn iney noogu tagto.

Qalinkii: Cabdinasir Xersi Iidle